Wararka Maanta naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa waxa ay ku waramayaan in deegaano ka tirsan Gobolkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay saakay waaberigii hore ay weerar culus ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ka sameysteen degaan lagu Magacaabo Hareeri tuur.
Deegaanka Hareer-Tuur ayaa u dhaxeeya degmada Balad-Xaawo iyo Tuulo Barwaaqo,waxaa fariisin Cusub ka sameystay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ka baxay degmada Doolow.