Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa sida la sheegay waxaa ku dhaawacmay Wariye Ismail Sheikh Khalifa kadib markii uu qarxay waxyaabo qarxa oo lagu soo xiray gaarigiisa.
Wariyaha ayaa sidoo kale Agaasime ka ah Idaacadda Star FM ee Magaalada Muqdisho
Dhaawaca Wariyaha ayaa loo qaaday Isbitaal.