Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday dowladda Sacuudiga iney usoo gacan geliso dadka ku sugan dalkaas ee looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilka Weriye Jamaal Khaashugji.
Recep Tayyip Erdogan oo hadal ka jeediyay shirka dalalka ku horumaray dhaqaalaha eek a socday Argentina ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta Sacuudiga inay hayaan been iyo hadallo is-burinayo isla markaana ay baddalayaan sida ay wax u dhaceen ayna diideen inay macluumaad la wadagaan baarayaasha Turkiga.
Waxa uu sheegay in dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uu kulanka Madaxda G20 ka sheegay sharaxaad aanan la rumeysan karin oo ku aadan dilka Khaashuqji.
Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dooday in Boqortooyada aanan eedeymo loo jeedin karin tan iyo inta laga caddeynayo dambiga.
Erdogan waxa uu sheegay in uu asagoo shakhsi ahaan isha ku hayn doono baaritaanka lagu hayo arrintan,uuna dunida ku wargalin doono wixii kasoo baxa.
Dowladda Sacuudiga ayaa 11 qof u xirtay dilka balse ma jiraan go’aan ay dadkan ugu dhiibeyso Turkiga.