DHAGEYSO:-Gabdho Soomaali Walaalo Ah Oo Ku Dhintay Shil Gaari Dalka Mareykanka

0

Magaalada Kolombos ee dalka Mareykanka waxaa lagu aasay allaha u nxariistee Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed oo ahaa labo Gabadhood oo Soomaali ah oo walaalo ahaa kuwaas oo Axadii ku geeriyooday shil gaari sida ay xaqiijiyaan ehelada gabdhahaas geeriyooday

Ciidamada Booliska Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waddo Baaritaano ku aadan geeridda Labo hablood  oo Soomaalida ah oo la sheegay in ay ku dhinteen Shil gaari waxaa  sidoo kale uu dhaawac soo gaaray Amina Maxamed oo la dhalatay labadda Gabdhood ee geeriyooday taas oo hadda taala xarun caafimaad iyadoo dhaawac ah

Cumar Khalif oo ah ehelada ay dhibaatadu soo gaartay ayaa ka hadlay sidii ay wax u dhaceen,waxaana uu sheegay in Amaal ay waday Gaariga,sidaasina ay shilka ku galeen.