Wasaaradda Amniga ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in Ciidankii dhawaan la geeyay Magaalada Baydhabo in ay ku sugayaan Ammaanka Magaalada, islamarkaana ay xoojin doonaan Ciidanka ku sugan Magaalada Baydhabo.
Cabdirisaaq Cabdi Aadan Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay u sii baahan tahay Ciidamo horleh si loo xaqiijiyo Guud ahaan Ammaanka Magaalada Baydhabo.