Gaarigaan oo ay saarnaayeen dad Shacab ah ayaa kusii jeeday Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.,waxaana la sheegay inay rasaaseeyeen maleeshiyaad hubeysan oo isbaarooyin dhigtay.
Gaariga ayaa xilliga la rasaaseynayay waxa uu marayay duleedka deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud sida ay sheegeen dad ka mid ahaa Rakaabka saaran Gaarigaas.
Rasaaseynta Gaarigaas ayaa waxaa ku geeriyootay Gabar yar,waxaana la sheegay in uu jiro khasaaro kale oo rasaastaas ka dhashay.