Faah faahin: Toogasho Ka Dhacday Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku dilay oday kamid ahaa Ergooyinkii soo xulay Xildhibaanada.

Toogashada ayaa ka dhacday Nawaaxiga Xaafadda Dabakaayo Madoow ee degmada Dharkaynley.

Ciidamada dowlada ayaa goobta gaaray, kuwaa oo baaritaano ka sameeyay halkaasi, inkastoo goor hore goobta ay ka baxsadeen ragii dilkaasi fuliyay.

Maamulka degmad wali kama hadlin dilkan Wali majirto cid sheegatay Masuuliyada dilkaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan helayno ayaa sheegaya in ciidamo boolis ah ay howlgal lagu soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah ka sameeyeen halkaasi.