Taliska ciidamada Militaryga dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo qorsheysan oo lagu dilay 18 katirsanaa Al shabaab iyo in lagu fashiliyay miino kuwa dhulka lagu aaso ah oo la doonayay in lagu qarxiyo ciidamada dowladda.
Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal, Axmed Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen degaanno ay ka mid yihiin, Dhanaane, Genershe iyo Jilib-marko.
Jeneraal, Axmed ayaa sheegay in Al-shabaab looga guuleestay howlgallada ka socda Dhulka Xeebta ah, isla markaana ay Ciidamadu dib u fureen Waddooyinka ay go’doomiyeen ciidamada Xarakada.
Al shabaab wax war ah kama soo bixin, oo quseeya warka kasoo baxay Taliska ciidamada Xooga.