Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka oo ku bilowday qarax nooca miinadda ah ayaa laga soo wariyayay inta udhaxaysay tuulooyinka Dhaneene iyo Gan-darshe.
Fahfaahinadda ayaa xaqiijinaya in iska hor-imaadka lagu dilay Sagaal kamid ah askarta dowladda, xili tiro kale oo intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa lasoo sheegayaa in dhanka xarakada A-Shabaab inuu jiro, wallow aanan la hubin tiradda saxda ah.
Mudooyinkii dambe gobolka Shabeellaha Hoose, waxaan kusoo kordhayay dagaalada ku dhex-maraya ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-Shababab.