War ka soo baxay Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qarank ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga ay Gacanta ku dhigeen Maxkaxdii ka dambeeyasay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada muqdisho.
Qoraal la soo dhigay Barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal la sameeyay lagu qabtay Maskaxdii ka dambeysay weerarkii 9kii Bishii Noverber lagu qaaday hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho.
Weerarkaas oo ku bilaawday qaraxyo ayaa waxaa ku geeriyooday dad u badan Shacab iyo Wiil uu dhalay Cabdirashiid Shire Ilqeynte oo ah Milkiilaha Hotelka Saxafi,kaas oo isna ku geeriyooday weerarkii Hotelkaas lagu qaaday Sanadkii 2015.
NISA mashaacin Magaca Shaqsiga ay soo qabteen iyo halka howlgalka laga sameeyay,hayeeshee waxaa Warka NISA lagu sheegay in Shaqsigaas dhawaan Sharciga lahor-geyn doono.