DHAGEYSO:-Doorashooyinka degaanada Somaliland oo dib loo dhigay

0

Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay dib u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo la filayay in ay dhacdo 27-ka bisha March ee sannadka 2019ka.

Gudoomiyaha Guddigaasi ayaa warbaahinta u sheegay in doorashadda dib loo dhigay sababo badan owgood.

Guddiga, waxaa ma  sheegin wakhtiga la qabanayo doorashada Somaliland.

Waxa ay sheegeen in doorashada golaha deegaanka la qaban doono wakhti kale oo aanan hadda la shaacin.

Doorashadda xildhibaanada Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa buuq badan , waxaana qaar ka mid ah xisbiyadda ay arintaasi ku eedeeyeen Madaxweynaha Somaliland.