Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal geystay khasaaro iusgu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel-Cadde oo 70km u jira degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan,waxaana uu yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaanka Ceel-Cadde oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakooy ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Ceel-Cadde ay iska difaaceen Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday.
Waxa uu sheegay in dagaal xooggan oo deegaankaasi ka dhacay ay ku dileen 4 ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana deegaankaas ay haatan gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda.