Rag sida la sheegay koox ku hubeysnaa bustoolado ayaa agagaarka Carwadii hore ee Taleex oo ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda.
Askariga la dilay ayaa dad yaqaanay waxa ay warbaahinta u sheegeen in lagu Magacaabi jiray Cabdi Maalik Sheekh Muxumed Cabdi,isla markaana raggii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in askariga la dilay uu sidoo kale ka mid ahaa ilaalada Isbitaalka Deva oo ka mid ah Isbitaalada Waaweyn ee ku yaalla Magalada Muqdisho.