TOPNEWS:-Aqalka Sare oo ka hadlay dagaalka Gobolka Sool

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedka khasaaraha badan geystay ee ka dhacay deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa baaq u diray dadka ku dagaalaya Gobolka Sool,waxana uu ugu baaqay in dagaalkaas ay si deg deg ah u joojiyaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dagaalkaas xogta uu ka haayo ay tahay dhimasahda 80 Ruux iyo dhaawaca in kabadan,waxaaana uu ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamaya inay joojiyaan.

Deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac,waxana jirn ilaa iyo hadda cid kala dhex gashay maleeshiyaadkaas.