Sida uu qoray bogga somalimemo oo taageera Ururka alshabaab ayaa lagu beeniyay wararka sheegaya in uu geeriyooday hoggaamiyahooda Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, waxay ku tilmaameen wararka ay qoreen warbaahintu ay yihiih been abuur aan sal lahayn.
Hoggaamiyaha ururka Alshabaab ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday degmadda Jilib oo ka tirsan gobolka jubbada dhexe, Sida ay baahisay Idaacadda ku hedasha afka ciidamadda dowladda federaalka, oo sidoo kale sheegtay inuu u geeriyooday xanuun ka haleelay Kelyaha
…Warka soo baxay ee ku aadan in uu geeriyooday Sheekh Abuu Cubayda ama uu xanuunsan yahay waa waxba kama jiraan, waxaa looga dan leeyahay in lagu daboolo dekedaha dadka Soomaaliyeed ee lagu wareejiyay Itoobiya”ayaa lagu qoray bogga taageera Al-Shabaab.
Al-Shabaab Abuu Cubeyda ayaa bishii December ee sanadkii 2014 loo doortay inuu hoggaamiyo kooxda Alshabaab, kadib dilkii hoggaamiyahooda hore Axmed Cabdi Godane, waxaana Mareykanku madaxiisa uu dul dhigay illaa 6-milyan oo dollar oo cidii keenta xog suurtagalin karta in la dilo ama nolol lagu qabto.