TOP-NEWS: Madaxweyne Farmaajo oo amar ku baxshay in la furo wadooyinka xiran ee Muqdisho

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waxuu ka hadlay xirnaanshaha wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxuu sheegay in uu faray Hay’addaha Amaanka in ay u sahlaan Shacabka isu socodka magaalada.

Waxaa sidoo kale uu ku amray Hay’addaha Amaanka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku furaan wadooyinka xiran ee Muqdisho.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu Madaxweynaha ka dalbaday Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Hay’addaha Amaanka si loo sugo Amaanka Magaalada Muqdisho

“Nabadgelyadu waxay ku timaadaa wadashaqeyn dhexmarta labada dhinac. Shacabku waa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada”, sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadallka Madaxweynaha ayaa waxuu imaanayaa iyadoo boqolaal askari la soo dhoobay wadooyinka Muqdisho, taasi oo keentay in uu hakad gallo isku socodka gaadiidka iyo dad weynaha.