Mowqifkeyga ku aadan war-saxafadeedkii Madaxweyne Gaas ku qabtey Imaraadka Carabta.

0

Waxaan ugu dambeyn ku faraxsanahay islamarkana aan soo dhoweynayaa In Madaxweyne Gaas maanta uu dib ugu noqdey mabaa’diida ku dhaqanka nidaamka Federaalka ee Soomaaliya u dagsaneyd taasoo uu ka leexdey mudadii xilka uu hayey. Ku dhaqanka iyo hirgalinta nidaamkaan ayaa waxaa uu ka dhaxley dowladii Cabdiraxman Faroole Madaxweynaha ka ahaa. Gaas ayaa inta uu talada hayey ka leexdey Dastuurka Puntland islamarkaana dagaal adag la galey siyaasiyiintii aaminsaneyd In hirgalinta nidaamka Federalka Soomaaliya uu yahay midka kaliya oo Soomaali dib ugu midoobi karto.

Waxaan xusuustaa, Madaxweyne Gaas sanadihii ugu horeeyey markii talada Puntland uu qabtey isagoo albaabka u baneysanya ku dhexmilanka madaxda Muqdisho iyo hareer marista Dastuurka Puntland inuu yiri “ Waxaan Soomaaliya kasoo noqdey Ra’isal wasaare anigaa aqaan Koonfur, ma raaceyno nidaamkii adkaa ee Madaxweyne Farole Waxaan wax ku dooneynaa nidaam sahlan.”- Soft Approach.

Hareer marista nidaamkaan iyo dabacsanaantii hore ee Madaxweyne Gaas waxay sababtey in dowlada Muqdisho ka gaabiso hirgalin nidaam Federaal oo rasmi ah ee dalku helo taasoo natiijadii laga dhaxley noqotey In Villa Somalia talada wadanka isku koobto.

Wadaxaajood rasmiya oo dhexmari lahaa madaxda maamulada iyo Federaalka kasoo madax banaan lahaa daneysi gaar ah, waxaa hubinta ah in dalku heli laha Dastuur Federaal oo kala qeexa awoodaha dalka ee maanta la isku haysto.

Ugu dambeyn Madaxweyne Gaas waxaan ku oran lahaa difacaacida iyo ku dhaqanka nidaamka Federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan ilaalinta danaha Puntland sida Xeerkeedu qabo, waxaad ku heleysaa saxiibo farabadan oo aan anigu ka mid ahay balse ku heli maysid fursad dambe oo aad Puntland taladeeda ku sii hayso Shan sano oo dambe.

Wargalin ku socota VillaSomalia hadii xaalku sida uu yahay isbadal ku imaan waxaa Dastuurka Puntland Qodobka 4aad qoraya sidatan oo aan la hareer mari karin:

1. Dawladda Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, xil ayaana ka saaran hirgelinta Dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah.

2. Awoodaha Dawladda Puntland ay ku wareejin doonto Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo xuquuqaha ay yeelanayso Puntland, waxa ay ku imaanayaan wada xaajood iyo heshiis dhexmara Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland, taas oo lagu qeexi doono Dastuurka Federaalka iyo kan Dawladda Puntland.

3. Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay ka dibna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.

4. Dawladda Puntland waxaa u bannaanaanaysa in ay dib u eegto arrimaha ku xusan faqradaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee isla qodobkan, haddii:

b. Soomaalidu ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hooseyn nidaamka Federaaliga ah.
t. Ay daba dheeraadaan daganaansho la’aanta iyo dagaallada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya.

Waxaa Qoray

Maxamed Cabdiraxmaan faroole