Dhageyso Shir looga hadlayo Arimaha Deeqaha Oo maanta Wajigiisii Labaad Jabuuti Lagu Soo gaba Gabeynayo

0

Gogol Xaarkii shalay kadib waxaa maanta jabuuti ku kulmaya wasiirada dalalka ku bahoobay ACP Group iyo madaxda deeq bixiyayaasha midowga yurub

Ururkan ASP waxaa la aas aasay sanadkii 1975-tiiwaxana u jeedkiisu uu yahay in la caawiyo dalalka ku bohoobay isla markaana hoos loo dhigo saboolnimada ay ka cabanayaan.

Dalalka yurub oo ah kuwa deeq bixiyayaasha ah ayaa ku xira lacagaha ay ugu yaboohayaan dalalka ASP ku bahoobay sida ay u wanaajiyaan hanaankooda maaliyada iyo kan maamulka ee ka jira dalalka ay ka socdaan

soomaaliya waa markii ugu horeysay ee ay ka qeyb gasho shirkaan, waxana maxamed daahir faarax oo ah madaxa xafiiska haga mashaariicda midowga yurub ee dowlada fedraalka oo kulanka ka qeyb galay ayaa idaacada VOA u sheegay in soomaaliya ay fursad weyn u tahay in ay kulan ceynkaasoo kala ah ka qeyb gasho

Maxamed Daahir ayaa intaasi ku daray in ay dowlada soomaaliya uga faa’iideysaneyso lacagaha loogu deeqo dhanka shaqo abuurka iyo xasilinta amniga dalka

shirkan waxaa la soo gaba gabeyn doonaan maanta haduu alle idmo,wixii ka soo baxana wararkeena xiga kala socda