Dhageyso”Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Oo Ka Warbixiyey Waxyaabihii Ka Soo Baxay Kulan Uu la Qaatay Wafdi Masar Ka Socday

0

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumada fedraalka Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa magaalada muqdisho kula kulmay Wafdi ganacsato ah oo ka socday dalka masar isla markaana kala matalayey Wasaarada ganacsiga Masar Baniga dhexe iyo bankiga horumarinta dalkaasi.

wafdigan oo u jeedadiisu ahayd sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalka soomaaliya taa badalkeedana ay ganacsatada soomaalidu suuq ay ku soo bandhigaan wax soo saarkooda uga heli lahaayeen dalka masar ayaa markii uu soo idlaaday kulankii ay wada qaateen masuuliyiinta wasaarada ganacsiga ayaa waxaa saxaafada la hadlay maxamed cabdi xayir maareeye wasiirka ganacsiga iyo warshadaha,waxana uu ka warbixiyey qodobadii kulanka lagu gorfeeyey.

Qunsulka dowlada masar u fadhiya Soomaaliya Taamir safwaad oo goobta ka hadlay ayaa xusay in dowlada iyo ganacsatada ay ka faa’iideysan doonaan fursadaha maalgashi ee xiligan ka jira soomaaliya sidoo kalana ay iskaashi la yeelan doonaan qeybaha kala duwan ee ganacsatada soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo masar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya,kuwaasoo ay ugu horeeyan arimaha waxbarashada,ganacsiga caafimaadka iyo arimaha dibloomasiyada.