AKHRISO:-Madaxweynaha soomaaliland oo wasiirradiisa ka mamnuucay Warbaahinta

0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray ku amray xubnaha golaha wasiirrada maamulkaasi in aysan  Warbaahinta hadallo isu marin karin,isaga oo sidoo kale ku amray in wixii xiriir ah ay Telefoon iyo qoraal isu mariyaan.

Wareegtada Muuse oo laga qariyay Warbaahinta islamarkaana loo qeybiyay kaliya Wasaaradaha ayaa waxaa ay soo baxday 28ka Bishii hore,iyada oo xuseysa in ay ku howllantahay Adeegsiga nidaamka  Saxaafadda,waxaana ay u qorantahay sidan:.

“Ku: Wasaaradaha dawladda Jamhuuriyadda Somalialnd
Ku: Hay’adaha dawladda Jam Somaliland ee madaxabanaan
Ujeedo: Nidaamka adeegsiga warbaahinta ee masuuliyiinta xukuumadda

Mudanayaal iyo marwooyin
Waxaan idinla socodsiinayaa, in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlantahay nidaamka adeegsiga saxaafadda, taas oo inooga baahan in aynu horumarino qorshaheena ku aadan wararka ama warbixinaha la siinayo warbaahinta.

Sidaas darteed, waxaan idin farayaa

1.In masuuliyiinta kala duwan ee xukuumadu ku wada xidhiidhi karaan oo keliya qoraal rasmi ah (official letter) ama telefoon.

2.In aanay masuuliyiinta xukuumadu hadallo isu marin karin warbaahinta

3.In masuul dawladeed oo ka hooseeya madaxa ugu sareeya wasaarad, hay’ad iyo wakaalad, aanu hawlaha xafiiska kala hadli karin saxaafadda, isagoo aan fasax ama ogolaansho u haysan.

4.In masuuliyiinta xukuumaddu ayna ka hadli karin arin ka baxsan xilka iyo masuuliyadda loo igmaday, oo aanay u haysan ogolaansho.

5.In ay reebantahay in qof shaqaale ahi warbaahinta mariyo hadalo ka hor-imanaya sharciga shaqaalaha sida, hadalada siyaasadda, qabyaaladda, cabashooyinka IWM.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad awaamiirtan fulin doontaan, islamarkaana u daadejin doontaan heer gobal iyo heer degmo.”