Akhriso- Waa imisa Tirada Xubnaha Al-shabaab ee ay Ciidamada Dowlada Gacanta ay ku dhigeen iyo Deegaanka laga Soo qabtay?

0

Ciidamada Maamulka koonfur galbeed ee soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa Amisom ayaa maanta waxa ay maanta nolosha ku qabteen dagaal yahano katirsan Al-shabaab deegaanka Manaas oo qiyaastii 45KM u jira magalada baydhabo.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed ayaa warbaahinta gudaha  u sheegay inay gacanta ku dhigeen illaa shan dagaalame iyo mootooyin ay adeegsanayeen.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay weeraray deegaanka Goof gaduud iyo Daynuunay oo muddo kooban la wareegeen gacan ku heynteeda.

Al-shabaab ayaa maalmahan xoojiyay weerarada ay ku qaadayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ee kusugan Gobolada dalka.