XOG+SAWIRRO:- Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Xildhibaanada Gobolka Gedo oo soo gaaray degmada Doolow.

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) iyo wafdi Xildhibaano ah ay soo gaareen degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) iyo 14 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ay ka soo ambabaxeen magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland si diirana loogu soo dhaweeyay degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wafdigan uu horkayay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa waxa ay uga soo tageen magaalada Kismaayo Khilaaf kala dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Khilaafkan ayaa waxaa Warbaahinta Allgalgaduud Media loo xaqiijiyay inuu salka ku hayo shirka madaxda maamul goboleedyada ee uu maanta iclaamiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe in uu ka dhacayo maalinta Axada ah magaalada Kismaayo.

Wasiir Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) iyo 14-ka Xildhibaan ee la socda ayaa waxaa la sheegayaa inay qabaan fikir ah in maamulka Jubbaland uu faraha kala baxo xasarada kasoo aloosantay taageerada Isbahaysga Sacuudiga ee madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug wax shir ahna maamulka Jubbaland u qaban maamul goboleedyada.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in Wasiir Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) uu dhawaan qaban doono shir jaraa’id kaasoo uu uga hadli doono xaalada ka jirta maamulka Jubbaland.

Isku soo wada duuboo waxaad moodaa in khilaafka Khaliijka uu saameyn weyn ku yeeshay siyaasada Soomaaliya, waxaana dadka indha indheeya siyaasada ay sheegayaan in neecowda siyaasadeed ee hadda ka socota Soomaaliya ay tahay mid horseedi doonta Kacdoon shacab iyo isbadal ka dhaca guud ahaan maamulada dalka Soomaaliya ka jira.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media