DHAGEYSO:- Guddoomiye Mahad Cawad “Soomaaliya weli ma gaarin Hanaanka Canshuur qaadista”..

0

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad oo maanta marti ku ahaa Barnaamij ka baxayay TV-ga Dowladda ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira Howlaha Baarlamaanka.

Mar uu soo hadal qaaday arrimaha Canshuuraha ayaa waxa uu sheegay Guddoomiye Cawad Soomaaliya in aysan gaarin Hanaanka Canshuur qaadista, isaga oo sheegay in hada la qaado Adeeg oo keliya oo aan la qaadin Canshuur.

Waxa uu sheegay Canshuur qaadista waajibka ah in weli dalka aysan uga bilaaban, lagana doonayo xukuumadan cusub in ay bilowdo, wuxuuna sheegay in xukuumadan ay kula dabagali doonaan Howlaha Canshuur qaadista.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sidoo kale sheegay shacabka Soomaaliyeed hadii aysan bixin Canshuurta in Dowladda ay noqoneyso mid tabar yar.

Hoos ka Dhageyso Codka:-