Howlgallo ka bilaabanaya Degaanada Hirshabeelle

0

Wasaarada Amniga maamulka Hirshabeelle ayaa sheegtay in dhawaan degaanada maamulka Hirshabeelle ay ka bilaaban doonaan howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka degaanada Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaarada Amniga maamulka Hirshabeelle Maxamed Ibraahim Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Hirshabeelle ay bilaabi doonaan howlgallo lagu xaqiijinaayo amniga.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in qorshaynayaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada Ammaanka ayuu sheegay in ay si joogta ah ay u heli doonaan Mushaarkooda.