Barcelona oo walaac hor leh wajaheysa kaddib Messi aabihii oo.

0

Lionel Messi aabihii isla markaana ah wakiilkiisa ayaa ka soo tagay Barcelona iyadoo aan wax hormar ah laga sameyn wada hadaladii qandaraaska loogu kordhinayay wiilkiisa taa oo walaac wayn ku beertay kooxda reer Catalonia.

Jorge ayaa dib ugu laabtay dalka Argentina kaddib wada hadalo aan laga miro dhalin uu la yeeshay Barca iyadoo heshiiska uu Messi ku joogo Camp Nou ka dhici doono 30-ka June 2018.

Jariiradda AS ee dalka Spain ayaa warineysa inkastoo uu wada hadalada ahaa mid saaxiibtinimo leh misane labada dhinac ayaan gaarin wax heshiis ah.

Walaac wayn ayay midaa ku beertay Barcelona iyadoo xubnaha sare qaar ay ka walaacsan yihiin in wada hadalada ay qaataan waqti ka badan intii la filayay.

Halka kuwa kalena ay ka cabsi qabaan in maalin kasta oo dhaafta uu heshiiska aad qaali ugu sii noqonayo Catalans-ka.

Waxaa la fahsan yahay in xiddiga 5-ta jeer ku guuleystay Ballon d’Or uu doonayo inuu sii joogo Camp Nou laakiin marna kama tanaasuli doono lacagaha uu dalbanayo.

Wuxuu ka war hayaa lacagaha ay mushaar ahaanta u qaataan Neymar iyo Suarez wuxuuna doonayaa inuu markasta noqdo laacibka ugu mushaarka badan kooxda.

Source: GF