Oscar oo D. Costa ku qal qaalinaya inuu kula biiro Horyaalka China.

0

Xidigii hore ee Chelsea Oscar ayaa Waxaa la warinayaa inuu si qarsoodi ah ugu dhiiro galiyo Diego Costa inuu isaga soo tago Stamford Bridge isla markaana kula soo biiro horyaalka Shiinaha oo lacago waali ah mushaar ahaan looga qaato.

Chelsea ayaa dooneysa inay adduun dhan 130-milyan oo bound ku hesho xidigeeda aqlaaqda darran ee Costa, waxayna aaminsan tahay inay lacago rikoodh ah ku heli karto inta uusan sanadka dhammaan sida ay warineyso Sunday Times.

Sidoo kale Chelsea ayaa aaminsan in mikiilayaasha horyaalka Shiinaha ay rabi doonaan inay lacagahaa xooga badan kala baxaan Costa.

Oscar oo bilowgii bishan laga iibiyay Shanghai SIPG ayaa xaalada sii xumeynaya, waxaana la warinayaa inuu ku qal-qaalinayo Costa inuu kula soo biiro horyaalka Shiinaha isagoo xitaa ku war galiyay lacagaha waalida ah uu mushaar ahaanta u qaato.