Chelsea oo ganaaxday weeraryahankeeda Diego Costa.

0

Kooxda Chelse ayaa ganaax lacageed garka u galisay weeraryahankooda ree ee heerka caalami, waxayna jariirada Marca ee kasoo baxda magaalada Madrid ay sheegeysaa in Costa lagu ganaaxay lacag dhan 100,000 oo euros kadib dhaqankiisii xumaa ee uu isugu dayay inuu qasab ugu biiro horyaalka China.

Khamiistii ayuu macalinka Antonio Conte ayaa isugu yeeray ciyaartooyda kooxda Chelsea oo dhan waxa uu ugu magac daray “Qado nabadeed” waxayna ciyaartooyda Blues marqaati ka ahaayeen heshiiska Diego Costa iyo Antonio Conte waaana arinka lagu dhameeyay si nabad ah.

Wargeyska Marca ayaa sheegeysa inuu COsta sii joogi doono kooxda daafacaneysa horyaalka Premier League ilaa dhamaadka xili ciyaareedkaan isagoo kasii qeyb qaadan duulaanka Chelsea ee hanashada horyaalka ingiriiska.