Laba wiil oo Soomaali ah ayaa toogasho lagu dilay magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden.
Labadaan wiil ayaa inay ku dhinteen rasaas ay rideen dad wejiyada soo xidhay. Wiilashan oo walaalo ahaa ayaa lagu dhex toogtey maqaayad ay wax ka cunayeen sida uu aabahood u xaqiijiyey VOA.
Faysal iyo Zakariye Cartan ayaa waxaa ay ku dhasheen dalka Sucuudiga iyaga oo da’yarna la keenay dalak Sweden. Sida uu aabaha wiilasha sheegayna waxaa ay udhinteen takano mid ka mid ah loo haystey dil la xariiro wiilal Soomaali iyo ajaanib isugu jirta oo isla dalkaas lagu diley, qaarna la xirxirey sanadki hore.
Sidoo kale,Aabaha dhalay dhalinta Somalida ee lagu dilay Sweden ayaa sheegay iney ka xun yihii dhibaatada lagu hayo Soomaalida,isagoo si gaar ah fariin ugu diray Dowladda Sweden oo ku aadan in arintaan wax ay ka qabtaan.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-