Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka wada inta u dhaxeysa Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan iyo Degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Sh/Dhexe.
Howlgalladan ayaa lagu micneeyay kuwa amaanka lagu sugayo, islamarkaana lagu baadi goobayo xubno ka tirsan Al Shabaab.
Ciidamada Dowladda ayaa howlgallooda ku beegsaday Degaano dhaca Gobolka Sh/Dhexe, halkaasi oo la aaminsan yahay in ay ka soo weerar tagaan Al Shabaab.
Howlgallada Ciidamada Dowladda ayaa imaanayaa xili Shalay tuulo ku dhow Degaanka Ceelbaraf lagu dhaawacay Guddomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.