Ciidanka Maamulka Somaliland Ee Gobolka Togdheer ayaa sheegay in ay Gacanta ku soo dhigeen Dad lala Xariirinayo Dilal ka dhacay Gobolkaasi.
Sargaal ka tirsan Ciidanka Somaliland oo la yiraado Axmed Maxamed Guutaale oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in illaa 19 Qof oo Saddex Oday ay kamid yihiin lagu soo qabtay Howlgal Ciidanka Somaliland ay ka sameeyeen Duleedka Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer.
Dadka la soo qabtay ayaa loo haystaa Dilal ka dhacay Gobolka Togdheer,iyadoo Odayaasha la haayo lagu Eedeeyay in ay soo Abaabuleen kuwa wax dilay.