Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim (Fargeeti) oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dhowaan la bilaabi doono Mushaaraadka Ciidanka Booliska ee soo dhameystay Tababarka Ciidanka.
Mr. Fargeeti aya sidoo kale waxa uu sheegay Mushaaraadka Ciidanka Booliska in lagu dari doono Miisaaniyadda Dowladda soo socota ee 2017-ka.
Waxa uu sheegay Ciidanka Booliska in ay yihiin kuwo mar walba xil iska saara Difaacida Dalka, ilaalinta shacabka iyo ka shaqeynta Nabadda.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim (Fargeeti) ayaa ku soo aadaya xilli Ciidanka Booliska ee soo dhameystay Tababarada aysan qaadan wax mushaar ah.
HALKAAN KA DHAGEYSO