Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo gaaray Magaalada Qardho ayaa waxa uu ka hadlay Howlaha Ciidanka Booliska.
C/qaadir Shire Faarax Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa waxa uu kormeeray xarumaha Ciidanka Booliska ee Magaalada Qardho.
Waxa uu sheegay Maamulka Puntland in uu wado qorshe lagu tirakoobayo Ciidanka Booliska, si loola socdo howlahooda guud.
Taliye Erag ayaa sidoo kale waxa uu sheegay u jeedka uu Qardho u tagay in uu ahaa si uu u ogaado xaalada ay ku sugan yihiin Ciidanka Booliska.
Hoos ka Dhageyso Codka:-