Sida aan xalay daabacnay Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku sugan magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Socdaalka Xasan Sheekh oo ahaa mid la qorsheeyay in saxaafada laga qariyo ayaa markii danbe waxaa safarkaasi Madaxweynaha ka warhelay Warbaahinta, waxa uuna halkaasi u gaaray in Dowlada Ethiopia uu u dhameystiro heshiisyo qabyo ah kaasi oo lagu dhameystiraayo qaabka Ethiopia loogu gacan galin lahaa Somalia.
Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu Dowlada Ethiopia u saxiixo 5 qodob oo kala ah:
1: In Dowlada Somalia ay raali ka tahay in Ciidamo gaaraya 2,000 oo Ethiopian ah lagu wareejin doono Madaxtooyada Somalia.
2: In Ciidamo gaar ah oo ka socda Ethiopia ay ilaalin doonaan xarumaha Doorashada Madaxweynaha.
3: In xeer hoosadka Doorashada Madaxweynaha cusub looga danbeyn doono diblumaasiyiinta Ethiopia ka jooga Somalia.
4: In haddii uu soo laabto Xasan Sheekh ciidamada Ugandha, Kenya, Burundi, Jabuuti iyo Najeeriya laga saari doono Somalia, isla markaana amniga Somalia lagu wareejin doono Dowlada Ethiopia.
5: In ciidamada ka socda Ethiopia ee la wareegi doona Madaxtooyada Somalia ay awood u yeelan karaan faragalinta Doorashada Madaxweynaha ee fooda nagu soo heysa.
Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud oo ka caga jiidaayay aaditaanka magaalada Addis Ababa ayaa lagu khasbay, waxaana sababta diidmadiisa lagu sheegay inay la xumaatay qodobada aan kor kusoo xusnay.
Dowlada Ethiopia ayaa Xasan Sheekh ku madadaalineysa inay ka shaqeyn doonto sida uu kusoo laaban lahaa, iyadoo ujeedka Ethiopia uu yahay inay ka faa’iideysato Dowlada uu wakhtigeedu dhacay.
Heshiisyada la filaayo in maanta oo khamiis ah laga saxiixi doono Xasan Sheekha ayaa noqonaaya Heshiiskii labaad, iyadoo kii koowad uu ka dhacay magaalada Jigjiga, halka kan labaad uu noqon doono kan maanta oo khamiis ah lagu kala saxiixan doono magaalada Addis Ababa.
Si kastaba ha ahaatee, Heshiisyada khatarta ku ah Qaranka Somalia ee maanta laga saxiixi doono Xasan Sheekh ayaa halis muuqda galinkara dalka Somalia.