Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga oo Goordhow gaaray Magaalada Kismaayo

0

Magaalada Ksimaayo waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali (Diini).

Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeedka wafdigan ay u gaareen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu sheegay sidii isku dhaf loogu sameyn lahaa Ciidanka iyo arrimo kale.