Gudoomiyaha Degmada luuq Maxamed Xuseen Cusmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay xaalada Abaaraha ee ka jira Degmada Luuq.
Maxamed Xuseen Cusmaan (Ganey) Gudoomiyaha Degmada luuq oo kormeer ku tagay xero lagu magacaabo Kulmiye oo ay ku jiraan in ka badan 500 oo qoys ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dadkan la caawiyo.
Waxa uu sheegay Dadkan Barakacayaasha ah in ay isugu jiraan kuwo horey Degmada u joogay iyo kuwo kale oo ka yimid Gobolada qaar ee Dalka.
Gudoomiye Ganey ayaa ugu dambeyn Dowladda Federaalka, Maamulka Jubbaland iyo Hay’adaha caalamiga ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan dadkan.
HALKAAN KA DHAGEYSO