Waa su’aal aad u adag marka loo eego xaalladaha isbedelka badan ee dib u dhigayo in lagu kala baxo Doorashadaasi oo lagu madalsanaa inay dhacdo shalay oo ay taariikhdu ahayd 30-ka bishii November ee sannadkan 2016-ka.
Waxaa weli aan la soo dhamaystirin xubnaha 275-xubnood ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda, inkastoo horey loo soo doortay 54-ka xubnood ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka, iyadoo Aqalkaasi ku cusub yahay Nolosha Golayaaasha Siyaasadeed ee Somalia.
Madaxweynaha haatan ee xilligiisu dhamaaday, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli si KMG u haya Xilkaasi, inkastoo uu Xilli-hawleedkiisu ku ekaa bishii August ee la soo dhaafay.
Xilli-kordhinta KMG ayaa waxay u tahay Naruuro iyo Rajo Siyaasadeed uu asaaska ugu dhigan karo in mar kale loo soo doorto Xilkaasi, inkastoo Doorashadda sannadkan ka yara adkaan doonto Doorashaddii Madaxtinimadda ee sannadkii 2012-kii ee lagu soo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.
Ilaa hadda ma cadda xilliga rasmiga ee la qabanayo Doorashadda Madaxweynaha cusub ee Somalia oo ay ku baratami doonaan 18-ka Musharaxm kuwaasi oo mid kasta oo ka mid ku naaloonayo inuu noqdo Madaxweynaha 9-aad ee Somalia.
Waa hubaal in Doorashadda Madaxtinimadda la qaban doono marka la soo dhamaystiro 275-ka Xildhibaan ee Aqalka Hoose Barlamaanka Federalka, laakiinse ma cadda in laga gudbi doono Isbaaraha Siyaasadeed ee ku hor xaniban dhamaystirka tirada xubnaha ka dhiman Aqalka Hoose.
Weli waxaa qabyo ah xubnihii Maamulka Puntland ku lahaayeen Aqalka Hoose ee Barlamaanka, iyadoo uu Madaxweynaha Maamulkaasi, C/weli Maxamed Cali “ Gaas” ka laabtay go’aan uu horey ugu hakiyey Cod-bixintii ka socotay magaalladda Garowe.
Sidoo kale, Beelaha Reer Waqooyiga ayaan weli isku waafiqin Xubnaha Ergooyinka iyo Musharixiinta u taagan Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.
Xal-u-helida arrintaasi ayaa sii seeto-dheerayn karta dhamaytirka Tirada ka dhiman Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda, waxayna dib-u-dhacaysaa horseedi doontaa inaan Korom loo heli doonin si loo soo doorto Madaxweynaha 9-aad ee Somalia.
Sidoo kale, Siyaasiyiinta ayaa iyagana ciyaarayo Xeellad Siyaasadeed xambaarsan Danaysi Kooxeed ama Beeleed, si loo caga-jiido Nidaamka Doorashadda.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Somalia haatan ku jirto Xilli Kala-guur habacsanaan leh, lamana hayo Fursad Jadwal Doorasho oo lagu soo doorto Madaxweynaha 9-aad ee Somalia.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda Dadban ee Heer Federal, Avvocate Omar Mohamed Abdulle waxa uu ka shanqariyey in haatan laga hayo Kooramka tiradda guud ee Barlamaanka cusub ee Somalia, taasi oo soo fudueyn karta in Doorashadda Madaxweynaha qabsoonto ka hor bartamaha bishan December.
Inkastoo la shaaciyey inay ilaa iyo haatan soo baxeen 186 Xilddhibaan oo ka mid ah 275-ka Xildhibaan ee Barlamaanka cusub ayaa waxa hubaal ah inay maalmo iyo Toddobaadyo qaadan doonto sidii hal madal la isugu keeni lahaa Xildhibaanadda Cusub ee ku kala firirsan Maamul-gobaleedyadda.
Si kastaba ha ahaatee, Caga-jiidka, musuqa iyo Awood-sheegashadda ragaadisay Doorashooyinka Laba Aqal ee Barlamaanka waxaa laga dhaxlay Khibrad-xumo iyo Dacwado inta badan ka taagan Kuraastii lagu tartamay.
Qoondadii Haweenka ee 30% ee ay ku heshiisyeen Hoggaamiyaasha Madasha Qaran ayaa la kala feentay, iyadoo qaar ka mid ah Madaxda ku lug leeyihiin cabashadda Faragelinta iyo Awood-sheegashadda lagu meelmariyey Codbixintaasi.