In ka badan 1,700 Duullimaad ayaa la baajiyey, kadib, markii ay Duulliyaayasha ku dhawaaqeen shaqo joojin maanta iyo berrito ah.
Hadal ka soo baxay Shirkadda LUFTHANSA ee dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in maanta la baajiyey 816 Duullimaad, iyadoo 890 kale la baajin doono berrito oo Arbaco ah.
Toddobaadkii la so odhaafay, ku-dhawaad 2,800 Duullimaad ayaa la baajiyey, iyadoo ay Duulliyaasha Diyaaradaha sameeyey shaqo-joojintoodii 14-aad tan iyo sannadkii 2014-kii.
Duuliyaasha ayaa codsanaya in loo korddhiyo Mushaaraadka ay qaataan, inkastoo ay Madaxda Shirkadaasi ka biyo diidsan yihiin arrintaasi.