Hay’adda Socdaalka oo Xarumo ka furanaysa Xuduudaha Dalka

0

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Aaden Koofi  ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ayaa diyaar u tahay in ay hirgeliso laamihii Hay’adda Socdaalka ee ay ku lahaan jirtay Xuduudaha dalka.

Taliye Koofi ayaa maanta tababar u furay shaqaale loogu talagalay in ay ka howlgalaan Xaruumaha Hay’adda  socdaalka ee Xaduudaha Dalka.

Shaqalaha tababarka loo furay ayaa waxaa ay si buuxda uga howlgali doonaan Xafiisyada Socdaalka ee Xuduudaha, iyagoo kontorooli doona dhaq-dhaqaaqa xuduudda iyo la socodka Ajaanibta Dalka ka soo galaya dhanka Xuduudda Sida uu sheegay Taliye Koofi.

Waa tilaabadii ugu horeysay Muddo 26 sano ah ka dib ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya ku howlgalineyso Xarumihii Hay’adda Socdaalka ee xuduudaha dalka.