DAAWO+WARBIXIN XIISO BADAN:- Walaalo ku tartamay kursi ka mid ah xubnaha aqalka hoose oo isla guuldareystay

0

Doorashada kursi ka mida aqalka hoose ee Baarlamaanka oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa ku tartamay afar musharax oo labo ka mid ah ay walaalo ahaayeen, kuwaasoo midkood uu horey u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somalia.

1-Maxamed Xasan Aadan – xildhibaan hore

2-Axmed Xasan Aadan – Nin la dhashay Xildhibaanka hore

3-Dr. Xuseen Cabdi Cilmi

4-Maxamed Cabdullaahi Axmed

Doorashada ayaa waxaa wareegii koowaad ku haray Ex-xildhibaan Maxamed Xasan Aadan oo awoodi waayey inuu difaacdo kursigiisa.

Waxaa taas ka sii yaab badneyd markii walaakiis uu isna ku haray wareeggii labaad ee doorashada, taasoo keentay inay isugu soo haraan labada musharax ee danbe oo wareeg saddexaad isla gaaray.

Waxaa ku guuleystey doorashada kursigan Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo helay 34 cod halka musharixii la tartamay uu Maxamed Cabdullaahi Axmed uu ka helay 16 cod.

Doorashada kursigan ayaa noqotay mid xiise leh oo dad badan soo jiidatay, waxaa aad looga hadal hayey magaalada Jowhar.

Dhinaca kale isla magaalada Jowhar ayaa waxaa kursi kale oo ka mid ah xubnaha hoose waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah Aamino Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd xildhibaanadi hore ee baarlamanka, Sacdiyo Mustaf Axmed, Maxamed Aadan Daahir iyo Maxamed Nuur Xuseen.

Doorashadan ayaa waxaa wareegii labaad ayaa ku guuleysatay doorashada Aamino Maxamed Cabdi oo difaacatay kursigeeda xiuldhibaanimo. iyadoo heshay 26 cod halka musharixii la tartamayay Maxamed Aadan Daahir uu ka helay 23 cod.

1 2 3 4