XOG:- Gaas oo musuq‐maasuq ba’an ku haya doorashada Aqalka

0

Qaar kamid ah musharaxiinta u tartameysa kamid noqoshada Baarlamaanka Cusub ee Somalia, ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.

C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashii oo ka mid ah murashaxiinta, ayaa C/wali Gaas ku tilmaamay Mas’uul ku xadgudbay awood qaybsiga qaar ka mid ah Beelaha dega Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

C/raxmaan Maxamed, ayaa sheegay in C/wali Gaas uu faragalin toos ah uu ku hayo xuquuqda beelaha qaar, waxa uuna tilmaamay inuu ku dhaqmay waxyaabo musuq­maasuq ah.

C/raxmaan Maxamed, waxa uu sheegay in Madaxweynuhu uu amar ku siiyay Guddiga doorashadda dadban ee Puntland in dhammaan bedel lagu sameeyo Ergooyinka uu dhawaan soo xulay Ugaas Saleebaan Ciise Nuur.

Waxa uu sheegay in awooda lagu bedelay Ergada ay tahay mid u gaara C/wali Gaas, waxa uuna taa ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Waxa uu sheegay in C/wali Gaas uu meel uga dhacay awooda Beelaha qaar, isagoo adeegsanaaya Guddiga Doorashooyinka, isagoo ku amray arrintaas sharcidarada ah.

C/raxmaan Maxamed oo xadgudubka C/wali Gaas ka hadlaayay ayaa yiri ”Kursiga waxaa laga qaaday Cabdi Garaad, Beel kale oo Baho­Nugaaleed ka mid ah ayaa la siiyay, Si xadgudub ah ayaa nalooga qaaday Faylkii aanu lahayn”

Sidoo kale, C/wali Gaas ayuu ugu baaqay inuu ka fogaado waxyaabaha colaada u horseedi kara Beelaha walaalaha ah ee wada dega Deegaanada Puntland.

Geesta kale, Musharax C/raxmaan waxa uu cadeeyay in haddii ay sii socoto faragalinta uu Doorashada ku hayo C/wali Gaas uu sabab u noqon doono hoos u dhac ku imaada midnimada iyo Nabada ka jirta Degaanka Puntland.