Mareykanka oo kordhiyay Weerarka uu ku hayo Al-shabaab

0

Hoowlagalka Military-ga ee kusii Kordhaya Soomalia ayaa u ogolaaday Doowladda Maamulka Obama in uu Kordhiyo Baaxadda Sharciyadda Dagaalka looga uu uga oo Horjeedo Al-qaacidda oo ay ku ku jirto AL-shabaabka Somalia, Arrintaan aya Waxaa ay Adkeeenyn Doontaa Awoodda Madexweeynaha Ladoortay ee Donald Trump si uu ula Dagaalamo Dagaal yahannaddda Islaamiga ah ee ladegay Wadanka Soomalia.

Sida uu Daabacay Wargeeyska Newtork Times Mamulka Obama ayaa waxaa uu Go,aansaday in si Toos ah uu Toosha ugu Ifiyo ama Ubaaro Dagaalamauyaasha islaamiga ah Al-shabaab. Taasi oo Qeeyb ka ah Howlgalka Argagixiso la Dirirka ee ay Meelmariyeen Congress mareeykannka  Markii uu Dhacay weerarkii Argagixiso ee Daarihii Mareeykanka lagu Qaaday Septembet 11 keedii 2001 dii, sida ay newyork times usheegeen Saraakiil Mareeykan ah.

Kordhinta Howlgalkaan Mareeykanku waxaa uu uga Danleeyahay in uu Taageero u fidiyo Kordhinta Duqeeymaha iyo Hoowlaha Argagixiso la Dirirka ee ay qaadaan Ciidamadda Midowga Africa iyo kuwa Doowladda soomaliaya.

Go,aanka Doowladda Mareykanku ay kula Dagaalameeyso Al-shabaab ayaa waxaa la Rijeeynayaa in Si Rasmi ah loo Soo Bandhigo Bisha soo socota Xilligaas oo Congress-ka Mareeykanka loo gudbin Doono warqadda Go,aankaas Si uu u Dhageeysto Ciidamadda Mereeykanka Dunida ka kala jooga.