Kooxo hubeysan oo Hoggaamiye Sare ka sii daayey Xabsi ku yaalla dalka Hindiya.

0

Ugu yaraan 10 Maleeshiyo oo aad u hubeysan, isla markaana ku labisnaa Dharka Boliska Hinddiya ayaa la sheegay inay xalay weerar ku qaadeen Xabsi Ammaankiisa aad loo adkeeyo ee Nabha Jail oo ku yaalla Gobalka Punjaab.

Dableyda waxay dooxeen Askarigii ilaaladda ka ahaa Albaabka weyn ee laga soo galo Xabsiga, waxayna rasaas ku dhaawaceen Ilaalo kale, ka hor intaysan Xabsi ka sii daynin Hoggaamiyaha Kooxda Hubeysan ee Xorreynta Khalistaan (KLF),  Harminder Sing iyo 4 ka tirsan Kooxdaasi.

Hoggaamiyahaasi oo lagu naanayso Mintoo waxaa la xiray sannadkii 2014-kii, kadib, markii lagu soo oogay Weeraro Argagixiso iyo inuu maalgeliyo Kooxaha Gooni-goosad-doonka ah.

Maleeshiyadda Hubeysan ee KLF waxay u dagaalamaan sidii  ay dadka Siikha madax bannaani ugu heli lahaayeen Gobalka Punjaab.

Dhinaca kale, Dowladda ayaa sheegtay cidda keenta warbixin lagu soo qaban karo Maxaabiista baxsaday in lagu abaal-marin doono lacag dhan 36-kun oo Dollar .