Waxaa Magaalada Muqdisho Maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyay Kulan loogu hadlaayay hormarinta deegaanada iyo baahinta Awooda.
Kulanka ayaa Shalay ka furmay Muqdisho Waxaana soo qaban qaabisay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Xubno ka socda Maamul goboleedyada Dalka, Ganacsato, Ururada bulshada rayidka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta Wasaarada.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Xasan ayaa ka warbixiyay waxyaabaha kulankan loogu hadlaayay iyo qodobadii shalay loogu hadlay.
Hoos ka Dhageyso Codka:-