DHAGEYSO:- Hay’adda MSF oo War ka soo saartay Abaaraha ka jira Soomaaliya

0

Hay’adda Dhaqaatiirka aan xuduuda la heyn ee MSF ayaa sheegtay in qaxooti Soomaaliyeed oo aad u farabadan ,kuwaa soo ka cararay abaaraha ka jira Soomaaliya in ay ka talaabeen xuduudka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Ethopia , islamarkaana ay gudbeen dalka Ethopia.

Hay’adda ayaa sheegtay in dadkaasi ay haystaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunto la’aan , biyo yari , iyo sidoo kale hoy la’aan.

MSF ayaa sheegtay in abaaraha Soomaaliya ay kasii daraayaan , islamarkaana kumaanaan qof ay qarka u saaran yihiin in ay u dhinteen abaaraha ka jira Soomaaliya.

“waxyaabaha nagu khasbay inaan aan soo  safarno waxaa ka mid ah inaan aan sanadyadii lasoo dhaafay aanan arag roob nagu filan , mana jiraan wax dalag ah oo kasoo go’ay beeraheena , taasoo ay noo dheertay dagaalada ka socda Soomaaliya ” sidaad waxaa yiri Maxamed oo ka mid ah dadka abaaraha Soomaaliya naftooda kala cararay.

MSF ayaa sidoo kale sheegay in dadka gaaray dalka Itoobiya badankood ay kasoo carareen gobolada Bay , Bakool , iyo sidoo kale gobolka Gedo.

Abaaraha Soomaaliya ayaa kasii daraya waxaana ay sababeen in dad badan ay naftooda ay dalka kala cararaan, madaam aysan helin gargaar.

Hoos ka Dhageyso Codka:-