DHAGEYSO:- Saddex ruux oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay duleedka Baladweyne

0

Ugu yaraan Saddex Qof ayaa ku dhintay dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed, kaasi oo ka dhacay duleedka Degmada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan dagaal beeleed halkaas ka dhacay ayaa dadkaasi dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen.

Inta la og yahay illaa iyo iminka waxaa dhintay seddex qof oo dhammaantood qeyb ka ahaa dagaalka halka ay tiro kalena ku dhaawacantay, halka sidoo kale Askari ka tirsan ciidamada Dowladda uu halkaasi ku dhintay.

Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda oo ku baxay goobta dagaalka uu ka dhacay, ayaa ku guuleystay inay joojiyaan dagaalkaasi oo ka socday deegaanka Doon-maleyka oo Qiyaastii 8 KM u jirta Magaalada Baledweyne.

Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda oo ay wehliyaan Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa halkaasi tagay oo hada kulan kula leh Odayaasha labada dhinac.

Malleeshiyo beeleedyadani ayaa muddooyinkii dambe ku dirirsanaa galbeedka magaalada Baladweyne waxaana gudaha magaalada ka dhacay dilal ku saleysan colaadda labadooda beelood ka dhaxeysa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-