Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in rasaas xoogan ku furay Xarunta Imtaxaanaadka ee Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Isku duwaha Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya, Maxamed Saalax ayaa waxuu sheegay in weerarkaasi kadib Ciidamada ay qaadeen howlgallo amaanka lagu xaqiijinayo.
Mr. Saalax ayaa shaaca ka qaaday in rasaastaasi aysan wax khasaaro ah ka dhalan balse waxuu tilmamay in amaanka Xarunta ay sugayaan Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya.
Tliyaha Ciidamada Boooliska Caleb Wesa ayaa waxuu xusay in baaritaano ay ku hayaan Kooxihii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Xarunta Imataaxaanaadka ee Magaalada Wajeer.
Waxuu intaasi ku daray in aysan waxba ka ogeyn sababta keentay in la rasaaseeyo Arday u fadhisa Imtaxaan.
Inta badan, Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhaca Weeraro kala duwan oo mas’uuliyadoodu ay sheegtaan Xarakada Al Shabaab.