Maamulka Degaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu ka hadlay dadka barakacayaasha ah ee ku dhibaateysan Degaanada Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Degaanka Leego.
Guddoomiyaha Degaanka Leego Abuukar Isaaq Al-Cadaala oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay dad fara badan oo barakacayaal ah in ay isugu yimaadeen Degaanka Leego, kuwaas oo aan heysan nolol maalmeed ku filan.
Waxa uu sheegay Qaxootigan in waqti dhow aan gar gaar la soo gaarsiin oo ay dhibaateysan yihiin, isagoo sidoo kale sheegay Madaxda Dowladda in aysan waxba u qaban dadka dhibaateysan.
Hoos ka Dhageyso Codka:-