Magaalada Muqdisho Todobadkan waxaa soo gaaray wafdi ka socday Dowladda Masar, kadib markii Masar ay ku dhawaaqday in ay dib u bilowday goobaheeda waxbarasho ee Soomaaliya.
Wafdigan oo uu Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay safiirka Masar ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka koobnaayeen 15 xubnood oo isugu jira Macalimiin iyo Maamulayaal.
Dowladda Masar ayaa 25 sano kadib waxa ay ka howlgali doontaa dhanka waxbarashada ee Soomaaliya, waxaana hada waxbarashada ay si toos ah uga bilaabi doontaa Dugsiyada Sheekh Xasan Barsame iyo 15-ka May.
Wafdiga ka socday Dowladda Masar ee Magaalada Muqdisho ku sugan ayaa maanta Salaada Duhur ee Jimcaha waxa ay ku soo tukadeen Masjidka Isbaheysiga Islaamka.
Sawiro ay heshay Idaacadda Risaala ayaa muujinaya wafdiga Masar ka socday oo la sheekeysanaya shacabka Soomaalida ah ee Masjidka ku soo dukaday, sidoo kalena sawiro la galaya.
Macalinka hogaaminayey wafdigan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay dib u furaan iskuuladii Dowladda Masar ay ku laheyd gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Masaarida in ay yihiin walaalo, sidoo kalena mar walba ay garab taagan yihiin Soomaaliya.
Hoos ka Daawo Sawirada:-