Booliska Dalka Uganda ayaa xabsiga dhigay Muwaadin Soomaaliyeed oo looga shakiyay in uu ku lug la haa Weerar ismiidaamin ahaa oo Sanadd 2010-kii ka dhacay Magaalada Kampala, kaasi oo mas’uuliyadiisu ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Degmada Busia, Nelson Nahabwe ayaa xaqiijiyay xariga Maxamed Cabdi Cali.
Tuhmane Maxamed Cabdi Cali ayaa lagu qabtay Xadka Dalka Uganda, sida ay sheegeen baarayaasha Dalkaasi.
Eedeysane Maxamed ayaa markii la keenay xafiska waaxda socdaalka ee Dalka Uganda, waxaa la ogaaday in uu qeyb ka ahaa Dadka la doon doonayo ee lagu eedeynayo Weerarkaasi.
Waxuu u sheegay Booliska markii la su’aalay in uu u socday Dalka South Africa, islamarkaana uu ka yimid Dalka Kenya.
Taliyaha ayaa waxuu tilmaamay in Ninkan loo gudbin doono Xarunta ka hortaga falalka argagixiso, si su’aallo dheeraad ah ay u weydiyaan.
Ugu dambeyn Weerarkan lagu eedeynayo Maxamed Cabdi Cali oo ka dhacay bishii July, Sanadda 2010 ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 80 Ruux, kuwaasi oo ciyaaro ku daawanayay Magaalada Kampala.