Nabadoon can ahaa ayaa lagu dilay Tuulo lagu Magacaabo Buulo-Cadeey oo hoostagta deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxaa lagu Magacaabi jiray Nabadoonka la dilay Nuur Xuseen Abuukar kaas oo la dilay xilli uu ku guda jiray Limashada beertiisa.
Ma cadda sababta loo dilay Nabadoonka iyo cidda ka dambeysa dilkiisa , waxaana Gobolka Shabeelaha Hoose ku badan dilalka aanooyinka Qabiil.